Cismaan Yuusuf Keenadiid
From Wikipedia
Cismaan Yuusuf Keenadiid wuxuu ka mid ahaa halyayada u reebay ummadda afsoomaaliga ku hadasha summad iyo dhaxal gal qiime leh.
Wuxuu sannadkii 1920kii soo allifay far [xuruufo dhammaystiran oo kaabi kara inlagu qoro afsoomaaliga]. Fartaasi waxay ka mid tahay farihii u horreeyey oo qof soomaali ahi allifo, waayo aqoonyahannadii kale ee ay ka mid ahaayeen Sheekh Yuusuf Al Kawnayn "Aw Barkhadleh", Sheekh Aways, Ibraahim Bin Cabdalle Mayal waxay wax ku qori jireen far carabi la afsoomaaliyeey, oo waxay adeegsan jireen farta carabiga. Waxaa kale oo far gaar ah soo saaray Sheekh Cabdiraxmaan Sheekh Nuur oo isna far gaar ah lahaa.
Fartaas uu Cismaan Yuusuf Keenadiid soo saaray waxaa la yidhaahdaa Cusmaaniya.